๐๐ฟ๐ฒ๐ฒ ๐๐ผ๐๐๐ถ๐ป๐ด ๐ฎ๐ป๐ฑ ๐๐ผ๐บ๐ฎ๐ถ๐ป๐
๐๐ฟ๐ฒ๐ฒ ๐๐ผ๐๐๐ถ๐ป๐ด ๐ฎ๐ป๐ฑ ๐๐ผ๐บ๐ฎ๐ถ๐ป๐
๐๐ฟ๐ฒ๐ฒ ๐๐ผ๐๐๐ถ๐ป๐ด ๐ฎ๐ป๐ฑ ๐๐ผ๐บ๐ฎ๐ถ๐ป๐
Madaama aan kaga hadlay maqaal hore farqiga u dhaxeeya Domain iyo Hosting, su'aal badan ayaa igaga soo noqotay sida loo heli karo domain iyo hosting bilaash ah. Maqaalkan waxaan kuugu sheegi doonaa laba website oo ku siinaya domain iyo hosting bilaash ah.
Ka hor inta aanan u gudbin labada website, waa inaad fahantaa fikradda loo yaqaan subdomain. Subdomain waa domain ka soo jeeda domain weyn, waxaana lagu samayn karaa boqolaal subdomains. Tusaale ahaan, haddii domainka aan isticmaalo yahay jimcaalegaliixe.com, waxaan ka samayn karaa dhowr subdomain sida info.jimcaalegaliixe.com. Macnaheedu waa in subdomain-ka lagu heli karo bilaash. Tusaale kale waa shirkadaha waaweyn sida Google oo isticmaala subdomains, sida https://maps.google.com oo ah subdomain u adeegaya qaybta Google Maps.
Hadaba, websites-ka aan halkan kula wadaagayo waxay ku siinayaan domain iyo hosting bilaash ah:
1- 000webhost: Kani waa mid aan anigu isticmaalayey in ka badan laba sanno. Waxay bixiyaan hosting bilaash ah oo leh domain subdomain ah.
2- ProFreeHost: Kani waa website kale oo ku siinaya domain iyo hosting bilaash ah.
Haddii aad rabto domain rasmi ah oo nadiif ah, waxaad ka iibsan kartaa shirkadaha iibiya domains-ka sida Hostinger, oo aad ka heli karto qiimo dhimis gaaraya 75% haddii aad isticmaasho link-gaan.
Ugu dambayn, waxaan rajaynayaa inaad ka faaโiidaysan doonto maqaalkan. Haddii aad rabto maqaalada kale oo dheeraad ah, booqo website-kayga jimcaalegaliixe.com.
Comments (0)